Adeegyada maktabadda

at study Maktabad kastoo Wellington ku taalla waxay leedahay buugaag, majallado, Suxuun Muusiko iyo DVDyo, waxaana yaalla miisaas iyo kuraas ay macaamiishu isticmaali karaan si ay wax ugu dhigtaan.

Buugaagta intooda ugu badan waxaa la soo haysan karaa muddo afar todobaad ah, laakiin Suxuunta Muusikada (CDs), majalladaha iyo DVDyada waxaa la soo haysan karaa muddo hal todobaad ah.

Si aad Wax u qaadato

Waxaad u baahan doontaa inaad is-qorto (akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan is-qorista) oo aad soo qaadato kaarka maktabadda ee gaar kuu ah. Is-qorista maktabaddu waa u bilaash dhammaan dadka ku nool Magaalada Wellington, xataa carruurta.

Kaarkaaga maktabadda ayaad isticmaali kartaa si aad wax uga qaadato mid kastoo ka tirsan laamaha maktabadda.

Haddii aad Wellington dibaddeeda ku nooshahay (sida tusaale ahaan magaalada Hutt City, Porirua, Paraparaumu) ama maktabadaha xaafaddaada ayaad intaad is-qortid wax ka qaadan kartaa, ama waxaad is-qori kartaa Wellington. (akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan sida aad isu-qori kartid haddii aad magaalada Wellington dibaddeeda ku nooshahay).

Marka aad wax qaadato, maktabad hayahu waxuu ku siin doonaa waraqad yar. Waxaa ku taxan waxyaabaha aad qaadatay waxayna muujinaysaa waqtiga lagaa sugayo inaad waxyaabahaas u soo celiso maktabadda. U soo celi dhammaan waxyaabaha aad qaadatay maktabaddii aad ka qaadatay ka hor waqitga la xiro maalinta lagaa sugayo inaad soo celiso. Haddii kale lacag ayaa lagaa qaadi doonaa. (akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan lacagaha ay maktabaddu dadka ka qaaddo)

Haddii aad lumiso ama khasaare u geysato buug maktabaddu leedahay waxaa muhiim ah inaad maktabadda la xiriirto. Lacag ayaa lagaa qaadi doonaa, haddii aad bixin weydona wixii deyn ah ee kugu maqan waxaa loo gudbin doonaa shirkad soo-uruurisa deymaha (debt collection company).

Si aad Akhbaar u Hesho

Shaqaalaha maktabadda ayaa diyaar u ah inay ku caawiyaan. Waxaad weydiisan kartaa caawimo si aad u hesho buug, majallad, Saxan Muusiko (CD) ama DVD aad doonaysid inaad qaadatid, ama wax baad ka waraysan kartaa. Adeeggan caawimadu waa bilaash.

Buugga liis-garaynta ee Maktabadda waxaa ku taxan dhammaan waxyaabaha maktabadaha yaalla ee la qaadan karo. Halkan ka baar buugga liis-garaynta Shaqaalaha weydiiso inay ku tusaan sida loo isticmaalo.

Sii-qabsashada

Haddii uu macmiil kale hore u qaatay welina haysto waxa aad rabtid, liiska sugayaasha ayaad magacaaga ku dari kartaa. Marka uu qofkaasi waxaas soo cesho, maktabadda ayaa kula xiriirin doonta si aad markaas u soo doonato. Dadka mudakirka ah waxaa laga qaadaa $2. Xubin shaqaale weydii sida wax loo sii-qabsado.
some of our friendly staff

Mararka qaar maktabaddu waxay rabi doontaa inay kula soo xiriirto - tusaale ahaan, si ay kuugu sheegto inaad soo doonan kartid buug laguu sii hayay. Waxaa dhici karta inay ku soo wacdo mashiin telefoon ah oo si otomaatik ah u shaqaysa. Haddii aad u malaynaysid inuu lambarkaagu qaldan yahay waxaa muhiim ah inaad maktabadda la xiriirto (801-4040).

Amaaho la kordhiyey ayaa hadda la heli karaa

Hadda waxaad hal toddobaad ku kordhisan kartaa taariikhda waxyaalaha lagu amaahiyey ay dhacayso. Taasi waxay kuugu kacaysaa $1 halkii shay oo lagu daray wixii ujrado ah ee wixii la amaahday haddii ay khusayso (sida DVD-yada dadka waaweyn). Amaahdaada lama kordhin karo haddii shayga ay horey u dhacday muddadiisii, ama haddii macaamiil kale uu riserfi-garaystay. Weydii xubinta shaqaalaha markii aad maktabadda joogtid ama adiga ayaa samaysan kara markaad ka hubinayso kaarkaaga maktabadda www.wcl.govt.nz/card. Markii ay soo baxdo khulaasadda amaahdaada, hubi khaanadaha ku geesyaalla waxyaalaha aad doonaysid inaad kordhisato waxaad riixdaa batanka 'renew selected items', (ama haddii aad doonayso inaad wax walba cusboonaysiiso, keliya dooro 'renew all items'). Shaashadda ama Screenka ayaa markaas muujinaysa taariikdaada cusub oo ay waxyaaluhu kaa dhacayaan. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeeggan, weydiiso maktabadda degaankaaga.

Wax-ku-ogaysiinta Email-ka

Waxaad hadda codsan kartaa in codsiyada waxyaalaha aad riserfigarasanayso ama kaa dhacay waxaad ku soo sheegi kartaa email-ka. Waxa keliya oo aad u baahan tahay inaad samayso waa adigoo soo buuxiya online form ama weydiista maktabadda degaankaaga.

Websaytka Maktabadda iyo Internetka

Websaytka Maktabaddu waa www.wcl.govt.nz waxaa ku jira waxyaabo badan oo la isticmaali karo.

Maktabadaha Wellington dhammaantood waxaa yaalla kumbiyuutarro internet bilaash ah leh kuwaasoo la isticmaali karo si loo booqdo bogagga internetka ee dawladda NZ (oo ay ku jirto Wasaaradda Socdaalka (Department of Immigration).

Websaytka Maktabadda waxaa laga heli karaa akhbaar hagid ka bixinaya mawduucyo gaar ah sida waalidnimada, ganacasiga. Qaybaha qaarkood si aad u gasho waxaad u baahan doontaa inaad eray sir ah ku qorto (iyo lambarka kaarkaaga maktabadda) si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey sida wargeyska South China Morning Post.

About | News