Maktabadaha Magaalada Wellington (Wellington City Libraries) waxaa yaalla Majallado, Buugaag iyo Suxuun Muusiko oo af Ingiriisi ah, iyo weliba buugaag kale oo tira badan oo waxtar leh looguna talagalay dadka Ingiriisiga baranaya.
Focus on IELTS, Susan O'Connell.
Waxaa noo kaydsan ama noo uruursan:
Waxyaabahan waxaa laga heli karaa Kaydka Waxbarashada Dadka mudakirka ah (Adult Learning Collection), inta ugu badan waxaa laga helaa 420.7 iyo 428.24, iyo Xarunta Dhexe ee Dhagaysiga iyo Daawashada (Central Sound & Vision Centre). Waxyaabaha la xiriira Waxbarashada Dadka mudakirka ah waxay weliba ku kaydsan yihiin maktabadaha Central, Newtown, Ruth Gotlieb (Kilbirnie), Johnsonville, Miramar iyo Karori Libraries.
Waxyaabahan oo dhan si BILAASH AH ayaa loo qaadan karaa waxaana la haysan karaa muddo 4 todobaad ah. Tirada aad rabtaan ayaad qaadan kartaan.
Si aad war dheeraad ah u heshaan, soo booqda borogaraamkayaga soo hela jidka loo maro warbixin kastoo la xiriirta barashada Ingiriisiga isagoo ah Luqad Labaad (English as a Second Language subject guide).
Wargeysyada af Soomaali ku qoran waxaa si bilaash ah looga akhrisan karaa internetka iyadoo la isticmaalayo kumbiyuutarrada internetka bilaashka ahi ku jiro ee yaalla maktabadaha dhammaantood. Kuwaas waxaa ka mid ah All Somali (af Soomaali ah), Somali Press Online (af Soomaali iyo af Ingiriisiba ah) iyo Hiiraan Online (af Soomaali iyo af Ingiriisiba ah)).
Majalladaha waxaa laga heli karaa Dabaqa Kowaad ee maktabadda Central Library, iyo dhammaan laamaha maktabadda. Majalladaha Maktabadda ayaad ku akhrisan kartaan, ama Kaarkiinna Maktabadda ayaad ku qaadan kartaan nuqullada la bixiyo oo aad soo haysan kartaan hal todobaad.
Haboon : the first Somali magazine - Central, Newtown iyo Miramar.
Xoogaa ah buugaag af Soomaali ku qoran oo carruurta loogu talagalay ayaa ku kaydsan maktabadaha Central Library, Newtown Library iyo Johnsonville Library. Buugaagtan Maktabadda ayaad ku dhex-akhrisan kartaan, ama waxaad ku qaadan kartaan Kaarkiinna Maktabadda waxaanad soo haysan kartaan 4 todobaad.
Suxuunta Muusikada iyo DVDyada waxaad ku qaadan kartaan Kaarkiinna Maktabadda, hal todobaad ayaanad soo haysan kartaan. Ujro xagga qaadashada ah ayaa dadka lagu dallacaa marka ay qaataan qalabka Dhegaysiga iyo Daawashada (Sound & Vision). Haddii aad wadataan Kaarka Adeegga Bulshada (Community Service Card), kuwan lacagtooda nuskeed ayaa la idinka dhaafi doonaa.
Suxuunta Muusikadu waxay yaallaan Dabaqa Hoose ee maktabadda Central Library, Xarunta Dhegaysiga iyo Daawashada dhexdeeda. Laamaha maktabadda waxaa sidoo kale laga heli karaa lagana qaadan karaa qaar ka mid ah suxuunta muusikada ee dadka mudakirka ah iyo carruurta loogu talagalay.
Qayb yaroo koobay oo Buugaagta ilmaha oo far Soomaali ah ayaad ka heleysaa maktabadda Central iyo qaybaheena kale. Waa ay kuu fasax tahay inaad buugaagtan ku aqriso maktabadda, ama ku deynsato kaarkaada muktabadda ilaa muddo 4 isbuuc ah. Weydii qofka maktabadda ka shaqeeya goobta aad ka heli karto.
Buugaagta badidood waxaad deynsan kartaa illaa 4 isbuuc. Buugaagteena sida ay u habeysan yihiin waa lambarro sidoo kale ayeey kulligood qaybaheena kale u habeysan yihiin. Bil matalan, Buugga sharxaya habka gaariga mootada iyo tarugga loo wado The Road Code waxaa u ku jiraa armaajada furan qaybta 343.0946 DON. Waxaad ka heleysaa koobiyo maktabadda waxaana deynsan kartaa ilaa muddo 1 isbuuc ah. Haddii aysan oollin wax koobi ah, waxaad ku carbuunan kartaa hal koobi kaarkaada maktabadda.
Waa kuwan mawduucyo ay dhici karto in aad u aragto kuwo waxtar leh:

Desert flower : the extraordinary life
of a desert nomad, Waris Dirie.

Gifts, Nuruddin Farah.

Somalia (Enchantment of the world),
Mary Virginia Fox.
Fadlan annaga na weydiiso wixii caawimo ah ee aad u baahan tahay si aad u hesho waxa aad doonayso.