
Maktabadda Central Library, buugaagta ku saabsan shaqooyinka iyo xirfadahu dabaqa kowaad ayay yaallaan. Lambarka marfishku ugu badnaan waa 650.1 - 650.14. Mawduucyada waxaa ka mid ah qoraallada soo kooba taariikhda waxbarashada iyo shaqada (resumes) ama CVyada, codsiyada shaqada, farsamooyinka la xiriira waraysiga shaqada iyo shaqo-raadinta.
Dadka dhallinyarada ah, qaybta Dhallinyarada Qaan-gaarka ah (Young Adults) oo ku taalla dabaqa Hoose ayay ka heli karaan akhbaar waxtar u leh.
Fadlan maktabad hayaha weydiiso caawimo haddii aad u baahato, maxaa yeelay waxaa dhici karta in mawduucyada isu-xiran qaarkood laga kala heli karo meelo kala-duwan maktabadda gudaheeda.
Buugaagta ku saabsan xirfadaha iyo shaqooyinka waxaa lagu heli kara isla lambaradaas marfishka. Waxyaabaha kaydsan isma beddelayaan tirada oo keliya ayaa yaraan doonta.
Haddii buugga aad rabtid uu maqan yahay uu qof kale qaatay ama uu yaallo maktabad kale, waxaad u baahan doontaa inaad baarto buugga liis-garaynta (catalogue). Lacag $2 ah ayaad buug ku sii-qabsan kartaa, waxaana la keeni doonaa laanta xaafaddaada si aad adigu uga qaadato.
Waxaa aad internetka ugu jira siyaabo kale oo aad akhbaarta muhiimka ah ku heli kartid. Fadlan maktabad hayaha weydiiso caawimo haddii aad u baahato.
Waxaa fiican inaad horta baaristaada ka bilowdo shaashada BASIC SEARCH (baarista aasaasiga ah). Waxaa ugu wanaagsan in la isticmaalo baarista ah nooca SUBJECT BROWSE (daalacashada mawduucyada) ama KEYWORD (erayga ugu muhiimsan). Haddii aad baarto waxyaabaha hoosta ku qoran si toos ah ayaad u geli doontaa buugga liis-garaynta.
Maktabadaha dhammaantood waxaa yaalla nuqullo ee Dominion Post. Ugu badnaan jagooyinka shaqada ee bannaan waxaa lagu soo qoraa daabacaadyada Arbacada iyo Sabtida.
Maktabadda Central Library waxaa iyadana yaalla wargeysyo ka soo baxa New Zealand dhammaanteed, oo ay ka mid yihiin NZ Herald, the Press iyo Otago Daily Times.
Waxaad weliba isticmaali kartaa kumbiyuutarrada internetka bilaashka ah leh ee ku yaalla dhammaan Maktabadaha Magaalada Wellington si aad internetka uga akhrisato wargeysyada. Waxaad internetka ka akhrisan kartaa waargeyska NZ iyo wargeysyo kaloo caalami ah. (Halkan riix haddii aad isticmaalaysid kumbiyuutar internet bilaash ah leh ama kumbiyuutar ka baxsan maktabadda).

Kumbiyuutarrada internetka bilaashka ah leh ee maktabad kaste yaalla waxaad ka booqan kartaa websaytyada dawladda New Zealand oo ay ka mid yihiin: