Waxa Wellington ku yaalla 12 maktabadood oo dadweynuhu wadaago oo aad isticmaali kartid. Mararka qaar waxaa loo yaqaannaa laamaha maktabadda. Kaarkaaga maktabadda ayaad dhammaantood ka isticmaali kartaa laakiin qaarkood ma hayaan buugaag ka hadlaya mawduuc kaste. Si aad u ogaato saacadaha ay furan yihiin, soo wac 384-7640. Shaqaalaha maktabadda ayaa halkaas u jooga inay kaa caawiyaan inaad hesho waxa aad u baahan tahay.
|
Central Library (Maktabadda Dhexe) Maktabadda ay yaallaan buugaagta ugu badan waxay ku taallaa qaybta magaalada ee City lagu magacaabo cinwaankeedu waa 65 Victoria Street, Civic Square agtiisa. Dhammaan basaska sii dhex-mara qaybta Central City waxay u gaari doonaan masaafad sakad keliya ah (isticmaal meesha basku is-taago ee Willis Street lagu magacaabo), ama waxa hoosta ku yaalla meel baabuurta la dhigto (marka laga soo leexdo waddada Harris Street).
Waxay furan tahay: Isniinta ilaa Khamiista 9:30 subaxnimo ilaa 8:30 habeenimo; Jimcaha 9:30 subaxnimo ilaa 9:00 habeenimo; Sabtida 9:30 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo, Axadda 1 duhurnimo ilaa 4 galabnimo.
|
![]() |
|
Maktabadda Newtown Library Waxaa aad u yaalla buugaag, wargeysyo iyo majallado luqado kala-duwan ku qoran. Waxay ku taallaa cinwaanka 13 Constable Street, Newtown. Meesha basku is-taago ee ugu dhow waxay ku dhex-taallaa xarunta dukaamada ee Newtown Shops loo yaqaan haddii kale waxaa jira meel baabuurta bilaash ahaan loo dhigan karo muddo 20 daqiiqo ah.
Waxay furan tahay:
Isniinta ilaa Khamiista 10 subaxnimo ilaa 6 fiidnimo; Jimcaha 10 subaxnimo ilaa 8 habeenimo; Sabtida 10 subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo.
|
|
Maktabado kale ayaa laga heli karaa buugaag luqado kala-duwan ku qoran. Waxay yihiin
Maktabadda Johnsonville Library
Cinwaanka: 5 Broderick Road, Johnsonville. Maktabadda waxaa u dhow meelo badan oo bilaash ahaan baabuurta loo dhigan karo.
Waxay furan tahay: Isniinta ilaa Khamiista 10 subaxnimo ilaa 5:30 galabnimo; Jimcaha 10 subaxnimo ilaa 8 habeenimo; Sabtida 10 subaxnimo ilaa 4 galabnimo.
akhbaar dheeraad ah
|
Maktabadda Karori Library Cinwaanka: 247 Karori Roadd, Karori. Isniinta ilaa Arbacada, Jimcaha 9.30 subaxnimo ilaa 6 fiidnimo; Khamiista 9.30 subaxnimo ilaa 8 habeenimo; Sabtida 9.30 subaxnimo ilaa 4 duhurnimo. akhbaar dheeraad ah
Maktabadda Miramar library
Waxay furan tahay: Isniinta 10 subaxnimo ilaa 8 habeenimo; Talaaddada ilaa Jimcaha 10 subaxnimo ilaa 6 fiidnimo; Sabtida 10 subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo. |
![]() |
|
Maktabadda Ruth Gotlieb library (Kilbirnie) Cinwaanka: 101 Kilbirnie Crescent, Kilbirnie. Maktabadda waxaa u dhow meelo badan oo bilaash ahaan baabuurta loo dhigan karo.
Waxay furan tahay: Isniinta ilaa Arbacada, Jimcaha 10 subaxnimo ilaa 6 fiidnimo; Khamiista 10 subaxnimo ilaa 8 habeenimo Sabtida 10 subaxnimo ilaa 4 galabnimo. Maktabaduhu dhammaantood waa xiran yihiin waqtiyada fasaxa rasmiga ah. Akhbaar dheeraad ah waxaa laga helayaa dhammaan maktabadaha dadweynahu wadaago ee Wellington |
|