Sidee aan ugu biiri karaa maktabada ama laybereeriga?
Waa inaad la timaadaa:
- Waxa cadeymo ah (paasapoor, kaarka bankiga, ama wax ardaynimada cadynayo)
- Warqad ama xisaabta bankigaada oo ku qoran magacaada iyo cinwaankaada. (Bankigaada wuu ku siinayaa iyadoo ku qoran cinwaakaada)
- Magac iyo cinwaan qof kale oo aadan isku meel ku nooleyn.
Marka aad hesho kaarka maktabada:
- Ha siinin qof kale kaarkaada
- Noo soo sheeg hadii cinwaankaada aad bedesho
- Noo soo sheeg hadii kaarkaada kaa lumo ama lagaa xado
Imisa ayuu qiimahiisa yahay?
Lacag laíaan ayaa ugu soo biiri kartaa kuna amaahan karta buugag hadii aad ku nooshahay Wellington.
| Sheeyga | Qiimaha | La daahida |
|---|---|---|
| Buugaga | Lacag laíaan muddo 4 isbuuc | 80c senti maalintiiba |
| Jaraa'id | 50c isbuuciiba | 60c senti maalintiiba |
| CDs | $1 isbuuciiba | 60c senti maalintiiba |
| Fiidiyo | $3 isbuuciiba | $1 maalintiiba |
| DVDs | $4 isbuuciiba | $1 maalintiiba |
Sheeg kasta waa in lagu soo celiyaa maktabada taariikhda loogu talagaly.
Wixii lala soo daaha, la lumiya ama la waxyeeleeyo waxaa la bixinayaa ganaax. Deyntii aan la bixinin waxaa loo gudbinayaa hayada deyn aruurinta.
Sheygii aad ka qaadatay maktabada ku soo celi hadii kale $1ayaa sheygiiba bixinaysaa.
Waxaan haynaa buugag, cajalado, CDs iyo fiidiyo oo loogu talagalay barshada luqada Ingriisiga.
Fadlan weydiiso hadii caawinaad aad u baahantahy.
